1488 Views

Dowlada Somaliya oo iyo Taageerayaasheeda Nabad iyo Nolol oo abaabulaya banaanbaxyo ka dhaca Yurub oo lagu tageero mudo kordhinta

Dowlada Somaliya oo iyo Taageerayaasheeda  Nabad iyo Nolol oo abaabulaya banaanbaxyo ka dhaca Yurub  oo lagu tageero mudo kordhinta
____________________________________________________________________________

.

April 16-4-2021

Wararka ka imaanaya Dalalka  Yurub iy magaalooyinka dalalka Reer Galbeedka, ayaa sheegaya in la Wado qorsho Dowlada Waqtigeeda dhamaaday ay ku abaabaulayso banaanbaxyo lagu taageerayo muddo kororsiga labada sano ah ee uu sameystay Farmaajo.

Banaanbaxyadaan ayaa laga ababulayaa magaalooyin ay ka mid yihiin London oo UK ah, Minneapolis, Columbus iyo Washington oo Mareykanka ah, iyo magaalooyin kale oo ku yaalla qaar ka mid ah dalalka kale ee Yurub, sida Sweden, Norway, Belgium, Germany, Holand, Faranca, iyo kuwa kale.

Ku dhawaad lacag gaaraysa 3 milyan oo dolar  ayaa lagu wadaa in ay ku baxdo banaanabaxyadaas, waxaana lagu wadaa in uu ka Qeyb galo Banaanbaxyadaas guddoomiye ku xigeenka gobolka ee dhanka amniga Cali yare Cali  oo Wata Pasapor Sweden ah.

Sidoo kale Dibad-baxayaasha ayaa taageeri doono muddo kororsiga dowladda, ayada oo aan lasoo hadal qaadi doonin, balse taa beddelkeed boorarka lagu qori doono erayo lagu dalbanayo doorasho qof iyo cod ah, iyo in dimqoraadiyadda ay tahay in shacabka loo ogolaado inay codeeyaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post