825 Views

Daahir Maxamuud Geelle “ waxaan uga digaynaa saraakiisha iyo ciidamada dowladda, inay ku dhex milmaan howlaha siyaasadeed ee dalka

Daahir Maxamuud Geelle  “ waxaan uga digaynaa saraakiisha iyo ciidamada dowladda, inay ku dhex milmaan howlaha siyaasadeed ee dalka
____________________________________________________________________________

Feb: 18/2/2021

Kulan xalay Midowg Mushaxiinta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho  ayaa waxay ka soo saareen Digniin ku aadan in saraakiisha iyo ciidamada dowladda, ay ku milmaan siyaasada Somaliya.

Afhayeenka midowga musharixiinta mucaaradka ah ee Daahir Maxamuud Geelle oo saxaafada  kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wax kasta ay u diyaariyeen dadka banaanbaxa ka qeyb gelaya maalinta Jimcaha ah.

Sidoo kale Daahir Geele ayaa shaaca ka qaaday  in qorshahooda uu  yahay in salaadda Jimcaha lagu dukan doono fagaaraha Daljirka Daahsoon, isla markaana ay dadka u diyaariyeen ciidan ilaaliya ammaankooda iyo wax kasta oo adeeg ah, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa shalay ku dhawaaqday in  gebi ahaanba la mamnuucay dhammaan isu-soo baxyada iyo isu-imaatinnada dadweynaha, si looga gaashaanto faafidda xanuunka COVID-19.

office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post