1278 Views

Muwaadin Mareykan ah oo Ruushka Maxkamad lagu soo taagay

Muwaadin Mareykan ah oo Ruushka Maxkamad lagu soo taagay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 23, 2019 –Maxkamad ku taalla dalka Ruushka ayaa diiday in dammaanad lagu sii daayo nin u dhashay dalkaan Mareykanka oo loo heysto inuu falal basaasnimo ah ka waday Ruushka.

Paul Whelan, oo ahaa askari u soo shaqeeyay ciidanka badda ee Mareykanka, ayaa Talaadadi shalay kasoo muuqday maxkamad ku taalla magaalada Moscow si uu abiil uga qaato xarigiisa.

Garsoorihii Maxkamadda ayaa amray in Whelan xabsiga lagu sii hayo ilaa dhamaadka bisha February. Haddii lagu helo eedaha loo soo jeediyay oo ah inuu ahaa jaajuus, waxaa dhici karta in lagu xakumo 20 sano oo xabsi ah.

David Whelan oo mataan la ah Paul, ayaa bayaan uu soo saaray kaddib dhageysiga maxkamadda ku sheegay, in wali ay dowladda Ruushka ka la’yihiin faah-faahin ku saabsan sababta ay ugu maleeyaan in Paul uu yahay basaasb.

Wuxuu sheegay in qoyskiisa ay ka walwalsanyihiin caafimaadkiisa iyo inuu naftiisa ku difaaco luqadda Ingiriiska muddada uu xiranyahay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment