468 Views

Madaafiic lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb

Madaafiic lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in saaka tiro madaafiic ah ay Al-Shabaab ku garaaceen Garoonka Diyaaradaha Magalada.

Madaafiicda oo gaaraya ku dhawaad 10 siweyna looga maqlay Xaafadaha Magaalada Dhuusamareeb ayaa goobjoogayaal ay sheegeen inay ku dhaceen Garoonka iyo Agagaarkiisa, balse aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Ciidamada Jabuuti ee katirsan holwgalka ATMIS iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dhankooda ay madaafiic kale uga jawaabeen.

Xaaladda Magaalada Dhuusamareeb ayaa hadda ah mid degan, waxaana Ciidamada Gorgor ay duleedka Magaalada ka wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weerarkaasi hoobiyeyaasha ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post