426 Views

Mareykanka: “Ukraine ayaa ka adkaan doontaa Ruushka”

Mareykanka: “Ukraine ayaa ka adkaan doontaa Ruushka”
____________________________________________________________________________

Sabti: March 5, 2022

Xoghayaha arrimaha Mareykanka Antony Blinken ayaa BBC u sheegay inuu rumeysan yahay in Ukraine ay dagaalka kaga adkaan doonto Ruushka.

Ma uusan soo hadal qaadin xilligga lais dhihi karo wuu soo afjarmayaa dagaalka balse wuxuu sheegay in aanay soo dhaweynin jab soo gaara Ukraine.

Blinken wuxuu ammaanay ‘adkeysiga aan caadi aheyn’ ay muujiyeen shacabka Ukraine.

Wuxuu sidoo kale in Ruushku uu isku dayo in uu afgembiyo dowladda Ukraine ay shacabka dalkaas si weyn uga soo horjeesan doonaan.

“Haddii ujeeddadu Ruushka ay tahay inuu isku dayo inuu afgembiyo dowladda si uu hirgeliyo dowladda uu isaga wato, 45 malyan oo shacabka Ukraine ah ayaa kasoo horjeesan doonaa” ayuu yiri Blinken.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post