1977 Views

Sharci adag oo laga soo saarayo gudniinka Fircooniga

Sharci adag oo laga soo saarayo gudniinka Fircooniga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 22, 2018 –  Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in sharciyo adag ay ka soo saarayaan gudniinka Fircooniga.

Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in gudniinka fircooniga uu dhibaato ku hayo gabdhaha Soomaaliyeed lona baahan yahay in si wadajir ah loogu hortago.

Waxa uu tilmaamay in Xukuumada Soomaaliya iyo Baarlamaanka ay kala hadli doonaan soo saarista sharciyo adag si dhaqan gal ay u noqdaan sharciyaas.

Waxa uu xusay in xafiiskiisa uu diyaar u yahay ka shaqeynta sidii sharciyadaas loo soo saarayo.

Waxa uu ku baaqay in laga hortago tacadiyada loo geysanayo gabdhaha Soomaaliyeed.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib markii shalay muqdisho lagu qabtay kulan loogu hadlaayay ka hortaga gudniinka fircooniga.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment