318 Views

Guddoomiyaha Cali Jayte “ waxaan ku garaacnay Madaafiic si aysan uga Gudbin Wabiga oo aysan Jubbooyinka u aadin

Guddoomiyaha Cali Jayte “  waxaan ku garaacnay Madaafiic  si aysan uga Gudbin Wabiga oo aysan Jubbooyinka u aadin
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 10, 2022

Maalintii shalay waxaa webiga Shabeele doonya uga soo gudbey Malayshiyaadka al-Shabaab, kuwaas oo weerar ku qaadey ciidamo fadhigoodu ahaa tuulada Jicibow ee gobolka Hiiraan, ciidamada ayaa si weyn isaga difaacey, kadib waxaa soo gaarey gurmad ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ka socdey dalka Jabuuti.

Dagaalka oo bilowdey subaxnimadii Axadda ayaa soo gaarey maanta oo Isniin ah

Jicibow ayaa 33km dhanka waqooyi uga beegan degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan, waxaana ay u dhacaysaa Buuleburte iyo Beledweyne

Kooxdii al-Shabaab ee dagaalka soo qaadey ayaa gabbaadka dhigtey dhul buuro leh oo goobta ku dhaw. Ciidaada ATMIS ayaa madaafiicda goobta ku garaacey buurta, waxaana wararku sheegayaan in ay go’doon halkaas ku yihiin.

Jicibow waa deeganaadii ay ka talin jireen al-Shabaab, taas oo suurta geliyesey in ay ka taliyaan deegaanada ku hareeraysan Buulburte kana dhigtey meel diyaarad keliya lagu tago.

Waxaa maanta deegaanka Jicibow gaarey guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte iyo xildhibaano ka tirsan Golaha wakiilada oo ka soo jeeda Hir shabelle.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post