894 Views

Musharax Xasan Cali Kheyre oo la kulmay Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka

Musharax Xasan Cali Kheyre oo la kulmay Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 7, 2021

Waxaan maanta la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federal, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) iyo xubno kale oo katirsan Guddiga.

Waxaan Guddoomiyaha iyo xubnaha guddiga ee ku wehliyay kulanka ka wada hadalnay qaabka ugu haboon ee Guddiyada Doorashooyinku ay uga shaqeyn karaan doorasho madax-banaan, hufan oo loo maray hannaan iyo habraac daah-furan oo caddaalad iyo dhex-dhexaadnimo ku dhisan.

Waxaan aad usoo dhowaynayaa ballan qaadka Guddoomiyaha iyo xubnaha guddiga oo ii caddeeyay in ay ka dheeraan doonaan wax kasta oo shaki galin kara natiijada doorashada, kana qaban doonaan dalka doorasho ka madax bannaan eex iyo qof jecleysi.

Office Nairobi Kenya





_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post