963 Views

Dowladda Taliyaaniga oo sheegtay in dhanka waxbarshada ka caawinaysa Dowlada Soomaaliya

Dowladda Taliyaaniga oo sheegtay in dhanka waxbarshada ka caawinaysa Dowlada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 22, 2021

Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa kala saxiixday Heshiis Is-afgarad ah oo ku saabsan dhanka waxbarshada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, oo booqasho ku jooga magaalada Rome ayaa waxaa uu Heshiis Is-afgarad ah (MoU) kula saxiixday Madaxweynaha Hay’adda Med-Or Leonardo Foundation Mr Marco Minniti.

Heshiiskan Is-afgaradka ah ayaa ku saabsan in labada dhinac ay iska kaashadaan horumarinta tacliinta sare iyo dhaqanka, iyada oo ardayda, Shaqaalaha Dowladda iyo Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed loo fidin doono deeqo waxbarasho iyo tababarro sare oo ay ku qaadan doonaan dalka Talyaaniga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post