1092 Views

Priti Patel ” Sumcadda BBC-da waxaa si weyn hoos ugu dhigay Wareysiga Diana

Priti Patel  ” Sumcadda BBC-da waxaa si weyn hoos ugu dhigay  Wareysiga Diana
____________________________________________________________________________

May 23 2021

Xoghayaha arrimaha gudaha UK Priti Patel ayaa sheegtay in sumcadda BBC-da ay si weyn hoos ugu dhacday kadib baaritaanka soo shaac bixiyay wareysi lala yeeshay hooyada dhashay Amiir William-ka boqortooyada UK.

Waxay sheegtay in muhiim ay aheyd in la sameeyo baaritaanadii ku aadana sida weriye Martin Bashir uu ka helay wareysiga Diana.

Baaritaan madaxbanaan ayaa lagu ogaaday in in BBC-du aysan hannaan sax ah u marin hellitaanka wareysigaas.

Ms Patel ayaa sheegtay in dhacdadan wax badan laga baran doono.

Xilli uu warrameysay barnaamijka Andrew Marr ee ka baxa BBC One waxay tiri “Waxaa aad niyad jebin u ah” in wiilasha Diana Prince William and Prince Harry ay maqlaan waxyaabaha gaar u ah hooyadood kadib baaritaanada.

“Wax shaki ah kuma jiro in hay’ad caalami ah ay sumcaddeeda si weyn hoos ugu dhacday” ayay tiri wasiirka arrimaha gudaha UK.

Amiir William-ka qoyska Boqortooyada UK ayaa BBC-da ku eedeeyay inay ku guul darreysatay wareysigii ay la yeelatay hooyadii kaas oo uga sii daray xaaladdeeda isla markaana sii xumeeyay xiriirka labadiisa waalid.

Kaddib baaritaan la sameeyay oo lagu ogaaday in BBC-du aysan hannaan sax ah u marin hellitaanka wareysigaas, ayaa Amiir William waxa uu sheegay in “waxa ugu badan ee murjiyay” ay tahya in Diana aysan weligeed ogaan in la khiyaanay.

Wuxuu sheegay in hooyadii uusan keliya u gefin “weriye aa daacad ahayn” balse ay sidoo kale ku khaldameen madaxda BBC.

Dhanka kale walaalkii, Amiir Harry ayaa “dhaqamada qaar ee xun ee warbaahinta” ku eedeeyay dhimashada hooyadiis.

Wuxuu walaac ka muujiyay in dhaqamadaas ay “weli ka jiraan dunida”.

“Hooyadeen waxay nolosheeda ku weyday arrintan, waxna isma baddelin. Annagoo ilaalineyna waxa laga dhaxlay, waxaan ilaalineynaa qof walba, waxaana ku taagneynaa sharaftii ay ku nooleyd,” ayuu yiri.

BBC-da ayaa raalligelin siisay Amiir William iyo Amiir Harry, aabbahood Charles iyo Diana walaalkeed Earl Spencer.

“Arintan ma khuseyso oo keliya Martin Bashir, balse waxay ku saabsan tahay dhammaan BBC-da, oo uu u maleynayo inay gebi ahaanba ku guul darreysatay inay baarto arrinta ayna daah saartay arrimo aysan jecleysan,” ayuu yiri Jonny Dymond oo ah weriyaha BBC ee arrimaha qoyska Boqortooyada.

Baaritaanka oo uu sameeyay garsooraha howlgabka noqday Lord Dyson, ayaa lagu ogaaday in weriyihii wareysiga qaaday ee Martin Bashir uu u dhaqmay qaab “khiyaano” ah uuna been abuur ku sameeyay waraaqihii uu ku helay oggolaanshaha wareysiga.

Baaritaanka gudaha ee ay BBC-du sanadkii 1996 ku sameysay cabashooyinkii ku saabsanaa wixii dhacay ayaa ahaa “mid aan waxtar lahayn”, sida lagu sheegay baaritaanka.

Amiir William ayaa yiri wareysiga “wuxuu qeyb weyn ka qaatay in xiriirka waaliddiinteyda uu sii xumaado,” isagoo intaas ku daray “wuxuu kaddib dhaawacay dad aan xisaab lahayn”.

“Balse waxa murugada ugu badan igu beeray, waa haddii ay BBC-du si fiican u baari lahayd cabashooyinkii sanadkii 1995, hooyadey way ogaan lahayd in la khiyaamay,” ayuu yiri.

Lord Dyson ayaa ogaaday in Bashir uu Earl Spencer ku khiyaanay inuu baro walaashii Diana isagoo tusiyay waraaqaha bankiga oo been abuur ah kuwaas oo sheegaya in shakhsiyaad lacag lagu siiyay inay ilaalo ka hayaan amiiradda.

Amiir William ayaa sheegay in aragti ahaan uu qabo in habka khiyaanada leh ee wareysiga lagu helay “uu saameyn ku yeeshay waxa ay hooyadey tiri” iyadoo u jawaabeysa Bashir.

Wuxuu sheegay in barnaamijka Panorama “uusan habbooneyn” isla markaana aysan ahayn in mar dambe la sii daayo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post