573 Views

Itoobiya Koox fallaaga ah oo lagu eedeeyay dilka 160 qof

Itoobiya Koox fallaaga ah oo lagu eedeeyay dilka 160 qof
____________________________________________________________________________

Talaado: February 8, 2022

Maamulka gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa ku eedeeyay koox fallaago ah inay dileen in ka badan 160 qof oo rayid ah islamarkaana 87 meyd ay ku aaseen xabaal wadareedyo ku yaalla galbeedka gobolka.

Ciidamada Xoraynta Oromada (OLA) oo inta badan ay dawladu ku eedayso inay ka dambeeyaan dilalka loo geysanayo dadka laga tirada badan yahay ee ku nool gobolka ayaan ka jawaabin eedaymahan u dambeeyay.

Ururka ayaa horey u beeniyay inay weerareen dad rayid ah. Sida uu sheegay guddomiyaha deegaanka galbeedka Oromia, Ibsa Basha, ayaa sheegay in meydadka laga helay degmada Gidami kadib markii ciidamada dowladdu ay jabhadda ka saareen deegaannadii ay maamulayeen.

OLA, oo sanadkii hore isbahaysi la samaysatay ciidamada Tigreega ee dagaalka kula jira maamulka Raysal wasaare Abiy Axmed, ayaa ka hawlgala galbeedka iyo koonfurta Gooblka Oromiiya halkaas oo dhawaanahan dhacayeen isku hor imaadyo dhexmarayay ciidamada dawladda iyo fallaagada.

Weerarada ay dowladdu ku qaadday kooxdan ayaa lagu soo waramayaa inay ka qeyb qaateen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Warbixinta dilka lagu eedeeyay kooxda ayaa dhalisay caro dadweyne oo dhanka baraha bulshada ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post