852 Views

Qaar ka mid ah qaxootiga reer Afghanistaan ee ugu horeeyay oo gaaray Dalka Uganda

Qaar ka mid ah qaxootiga reer Afghanistaan ee ugu horeeyay  oo gaaray Dalka Uganda
____________________________________________________________________________

Arbaco: August 25, 202

Kooxdii ugu horreysay oo ka kooban 51 qof oo laga soo daadgureeyay Afghanistan ayaa gaaray dalka Uganda.

Kooxda ayaa ka soo degtay gegida diyaaradaha ee Entebbe subaxnimadii Arbacada iyagoo saarnaa diyaarad khaas ah oo u kireysnayd , sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Uganda.

Wasaaraddu waxay sheegtay in kooxdu ay sii marayso Uganda ayna u sii gudbi doonto Mareykanka iyo dalal kale.

Ma cadda mudada ay martigelin doonaan qaxootiga ka soo cararay qalalaasooyinkii ka dhacay dalka Uganda.

Dadka la daadgureeyay ayaa waxa ay isugu jiraan rag, haween iyo carruur maray tijaabada Covid-19 waxayna geli doonaan karantiil, ayaa lagu yiri bayaanka.

Toddobaadkii la soo dhaafay, sarkaal ka tirsan dowladda hoose ee Uganda ayaa BBC -da u sheegay in Uganda ay qaadanayso 2,000 oo qaxooti Afganistan ah kadib codsi kaga yimid dowladda Mareykanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post