924 Views

Xubno ka mid ah Al-Shabaab oo isku dhiibay Ciidanka dowladda ee ku sugan Mudug

Xubno ka mid ah Al-Shabaab oo isku dhiibay Ciidanka dowladda ee ku sugan Mudug
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 20, 2020–Ciidanka xoogga dalka qeybta 21-aad ayaa xaqiiyay in xubno ka mid ah Ururka Al-Shabaab oo ku sugnaa gobolka Mudug ay isku dhiibeen Ciidanka dowladda ee ku sugan degaanada maamulka Galmudug.

C/casiis C/laahi Cabdi Qooje Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka ayaa xaqiijiyay in Sadex dagaallame oo ka mid ah Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidanka ku sugan degaanka Bacaadweyne oo hoostaga degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Taliyaha ayaa xusay in ay lasoo xariireen Ciidanka, islamarkaana ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen, loona sameyn doono dhaqancelin.

Waxaa uu xusay in Ciidanka xoogga dalka ay gaabiga ku hayaan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay ka xorreeyaan Al-Shabaab.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan Sheegashada Ciidanka dowladda ah in ay gacanta ku hayaan xubno ka mid ah Al-Shabaab.

Ciidanka xooga dalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ka waday degaano ka mid ah gobolka Mudug oo Al-Shabaab ay ku sugan yihiin

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post