855 Views

Wararkii ugu dambeeyay Shirarka ka socda Magaalada Dhuusamareeb

Wararkii ugu dambeeyay Shirarka ka socda Magaalada Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL | August-19-2020
–Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa weli ka socda shirar gaar gaar ah oo u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, Galmudug, Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir, iyada oo ay ka maqan yihiin Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland.

Labada Maamul ee jubbaland iyo Puntland ayaa kasoo horjeestay howlaha ka socda Magaalada Dhuusamareeb ,iyaga oo sheegay in hadii heshiis la gaarao aysan dalku laheyn xukuumad fulisa, isla markaana aysan Dhuusamareeb tageen ilaa laga Magacaabo Ra’iisul Wasaare.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa habeeno ka hor shir jaraa’id uu qabtay waxaa uu sheegay in Wajiga Saddexaad ee Shirka Dhuusamareeb uu furay, isaga oo ugu baaqay Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland in ay kasoo qeyb galaan.

Warar la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadaha soo socda Magaalada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye uu tagayo Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal si Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ugu qanciyo in uu yimaado Magaalada Dhuusamareeb.

Shirka Magaalada Dhuusamareeb ayaa dad badan oo Siyaasiyiin ah waxaa ay qabaan in aysan kasoo bixi doonin natiijo bedeli karta xaalada siyaasadeed ee dalka xilli lagu guda jiro waqti kala-guur ah dalkana uu ku jiro xilli doorasho.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
__________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post