696 Views

Kuuriyada Waqooyi eedayn u jeediyay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden

Kuuriyada Waqooyi eedayn u jeediyay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden
____________________________________________________________________________

May 2-2021

Kuuriyada Waqooyi ayaa cambaarayn u jeedisay maamulka Biden, xilli uu iisu diyaarinayo inuu soo bandhigo istiraatiijiyadda siyaasadeed uu kula dhaqmayo Pyongyang iyo Barnaamijkeeda nukliyeerka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in hadallada ugu dambeeyay ee ka soo baxay Washington ay muujinayaan madaxweyne Joe Biden uu doonayo inuu sii wado “siyaasad cadaawadda ku dhisan”.

Horraantii toddobaadkan, Mr Biden wuxuu barnaamijka nukliyeerka ee Kuuriyada Woqooyi ku tilmaamay “khatar weyn” oo ku wajahan amniga adduunka.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa sheegay in uu qorsheynayo in uu hab “qaabeysan” u maro Kuuriyada Waqooyi.

Afhayeen Jen Psaki ayaa jimcihii sheegtay in dib u eegis lagu sameeyay siyaasada Mareykanka la soo gabagabeeyay waxayna soo jeedisay in Madaxweyne Biden uu wax ka bartay waaya aragnimadii afartii maamul ee hore oo isku dayay, kuna guuldareystay in Waqooyiga Kuuriya ay ka tanaasusho barnaamijkeeda hubka nukliyeerka

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post