2355 Views

Kenya oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Alshabaab

Kenya oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Alshabaab
____________________________________________________________________________

Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay dhawaan bilaabeyso musaafurinta dadka aan sharciga lehyn ee ku nool Gudaha Magaalooyin ka mid ah dalka Kenya.

Warkaan waxaa shaaciyey Wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka kenya Dr Fred Matiangi,waxana uu sheegay in howlgalkaas uu socon doono mudo Saddex bilood ah,isla markaana la musaafurin doono dad badan.

Dhanka kale waxaauu sheegay in kooxaha ka Ganacsada waxyaabaha maanka dooriya ee sharciga aan aheyn ay ku howlan tahay in wasaaradiisa ay la dagaalano mudadaas.

Sidoo kale waxa uuu soo hadal qaaday shaqsiyaadka aan sharciga heysan balse xaasaskooda ay yihiin muwaadiniin kenyan ah ayaa waxaa uu sheegay in aysan taasi sii socon doonin ayna masaafurin doonaan shaqsigii aan heysan sharci buuxa.

Si kastaba howlgalkaas ayaa dhawaan ka bilaaban doono Magalada Nairobi ee dalka Kenya,halkaas oo ay ku nool yihiin Soomaali badan oo aan Sharci heysan.

.

.

.

Xigasho: Somalia Today Online 

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment