894 Views

Midowga Afrika & IGAD oo ka wada hadlay Ammaanka Somalia

Midowga Afrika & IGAD oo ka wada hadlay Ammaanka Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 19, 2020 –Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu kulan kula qaatey Xoghayaha Fulinta ee Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) Dr. Workneh Gebeyehu iyo Ergeyga Gaarka ah ee IGAD. dhanka Badda Cas, Gacanka Cadan iyo Soomaaliya, Dr. Maxamed Cali Guyo.

 

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen horumarka ilaa iyo hadda ay Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ka gaareen soo celinta nabadda iyo Ammaanka Soomaaliya.

 

 

 

Danjire Madeira wuxuu ammaanay sida ay IGAD uga go’antahay dhowrista nabadda gobolka wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo ujeeddada Midowga Afrika ee nabadda iyo amniga guud ahaan Afrika.

 

 

Xoghayaha Fulinta ee Urur-goboleedka IGAD Dr. Workneh & Ergeyga Gaarka ah ee IGAD. dhanka Badda Cas, Gacanka Cadan iyo Soomaaliya, Dr. Maxamed Cali Guyo ayaa ku wada sugan Soomalaiya si ay uga qeybgalaan wada-tashiga qaran ee ku aadan kor u qaadista hanaanka nabadeynta gobolka ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyo sidoo kale arrimaha kale ee gobolka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment