537 Views

Isku aadka wareegga 16-aad ee Champions League oo la sameeyey

Isku aadka wareegga 16-aad ee Champions League oo la sameeyey
____________________________________________________________________________

Isniin: NOVEMBER 7, 2022

Liverpool ayaa fursad u heli doonta inay ka aargudato Real Madrid oo xilli cayaareedkii lasoo dhaafay kaga adkaatay cayaarta kama dambeysta ah ee Koobka Horyaallada Yurub, kadib markii ay mar kale isku aadeen wareegga 16-aad ee koobka sanadkan.

Dhinaca kale, kooxda Paris Saint-Germain ayaa lagu aadiyey Bayern Munich oo 2020 kaga adkaatay cayaartii kama dambeysta aheyd ee koobka, oo kooxda reer Jarmal ay hanatay.

Kooxda AC Milan oo ah kooxda labaad ee ugu hanashada badan koobkan, marka laga yimaado Real Madrid, islamarkaana qaaday 7 jeer, ayaa wajihi doonta naadiga Tottenham Hotspur ee Ingiriiska.

Kulamada kale ee xiisaha lehna, waxaa ku jira Borussia Dortmund oo ay is arki doonaan Chelsea, halka RB Leipzig ay la cayaari doonto Manchester City, oo ka dhigan loolan u dhaxeeya laba koox oo Jarmal ah iyo laba Ingiriis ah.

Lugta hore ee wareegga 16-aad ayaa la cayaari doonaa bisha Febraayo 2023, halka lugta labaadna ay dhici doonto Maarso, 2023.

Liiska oo dhameystiran ee isku aadka ayaa ah sidan:

1- RB Leipzig v Manchester City
2- Club Bruges v Benfica
3- Liverpool v Real Madrid
4- AC Milan v Tottenham
5- Frankfurt v Napoli
6- Borussia Dortmund v Chelsea
7- Inter Milan v Porto
8- Paris St-Germain v Bayern Munich

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post