1119 Views

Ciidamada Jubbaland oo Hoygiisa kala baxay Nabadoon Caan ah

Ciidamada Jubbaland oo Hoygiisa kala baxay Nabadoon Caan ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 02, -2019 —Wararka laga helayo Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska Jubbaland ay Hooygiisa Magalada Kismaayo kala baxeen Nabadoon caanka ah deegaannada Maamulkaasi.

Nabadoonka ayaa waxaa lagu Magacaabaa Nabadoon Abdi Colow,waxaana uu heystaa dhalashada dalka Canada, iyada oo habeenkii labaad uu ku baryay Saldhig ku yaalla meel aan ka fogeen Hooykiisa Magalada Kismaayo,sida ay xaqiijiyeen dad ehelkiisa ah.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Nabadoonka uu kamid yahay isbeddel-doonka Jubbaland ,isla markaana uu sweyn u dhaliilo Siyaasada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

“Nabadoon Abdi Olow oo kamid ah Nabadoonada ree Jubaland ee u ololeeya isbedelka sida xoogana u dhaliila maamulkii hore ee Jubaland :Qoraal ayaan gaar siinay xafiiska xuquuqul insaanka ee UN, Taliska booliska Jubaland, Dowlada Federaalka iyo Dhamaan heyadaha ay khuseyso ayuu yiri” Xildhibaan Xidig.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa siweyn loogu faafinayay xariga Nabadoonka Baraha Bulshada,waxaana ilaa iyo hadda ka hadlin xarigiisa laamaha Amniga Jubbaland, iyada oo horay loogu eedeeyay Madaxda Jubbaland xariga dadka ka soo horjeeda siyaasadooda iyo inay soo musaafuriyaan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment