1023 Views

Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Garowe iyo baarlamaanka Puntland oo la fasaxay

Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Garowe iyo baarlamaanka Puntland oo la fasaxay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 06, 2019–-Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland  ayaa maanta oo Arbaco ah fasax saddex maalmood ah u diray xildhibaannada golaha wakiilada Puntland.

 

Golaha ayaa saaka magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo soo uruurin doona nuxurka warbixinno kala duwan oo maalmihii la soo dhaafay laga dhegaystay guddi-hoosaadyada Baarlamanka.

 

 

 

Xubnaha cusub ee la magaaacabay, ayaa Isniinta todobaadka soo socda la dhegaysan doonaa xog-uruurinta ay ka sameeyeen warbixinihii guddi-hoosaadyada golaha wakiilada.

 

Tilaabada uu qaaday Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa kusoo beegmeysaa xilli Mooshin ay ka waddaan Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland.

 

Madaxweynaha Puntland iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ka dhex taagan Khilaaf sababay in xildhibaano labadda dhinac kala taageersan ay bilaabeen Mooshin ka dhan ah labadda Mas’uul.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment