840 Views

Gaadiid Dagaal oo ka kala tagay Dhuusamareeb Hobyo iyo Gaalkacyo oo gaaray deegaanka Wisil

Gaadiid Dagaal oo ka kala tagay Dhuusamareeb Hobyo iyo Gaalkacyo oo gaaray deegaanka Wisil
____________________________________________________________________________

Isniin: June 28 2021

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ay gaareen Deegaanadii shalay ka dhaceen dagaalada gaadiid dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Galmudug iyo kuwa Ciidamada Qaranka.

 deegaanka Wisil oo ay shalay ku dagaalameen ciidamada huwanta iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa laga dareemaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan, waxaana la sheegay in gaadiid dagaal oo gaaraya 20 ay halkaas gaareen.

Dadka deegaanka ayaa weli cabsi ka muujinayo in markale dagaal uu ka dhaco halkaasi, maadama ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo milatari oo iska soo horjeedo.

Galmudug ayaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah u dirtay Wisil, si ay ugu biiraan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale Ciidamada ayaa waxa ay kasoo ka dhaqaaqeen magaalooyinka Dhuusamareeb, Hobyo iyo Gaalkacyo, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda amniga Galmudug.

Wasaaradda ayaa shaacisay in ciidamadaasi loogu tala-galay inay ka hortegaan dagaalka ay kooxda Al-Shabaab ka wado koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

“Waxaa xusid mudan in Dawladda Galmudug ay u dirtay gurmad ciidamo fara badan oo laga soo kala diray magaalooyinka Gaalkacyo, Dhusamareeb, Hobyo iyo deegaamo kale oo gaaray nawaaxiga Wisil, kuwaasoo diyaar u ah in ay argagixisada dersi lama ilaawaan u dhigaan maalmaha soo socda,” ayaa lagu yiri.

Ugu dambeyn warsaxaafadeedkan ayaa tacsi loogu diray ehellada dadkii ku dhintay dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay deegaanka Wisil ee gobolkaasi.

“Dawladda Galmudug waxay tacsi u diraysaa ehelada shuhadadii ku shahiiday weerarkii argagixisada ee Wisil ee isugu jiray ciidamo iyo shacab, ayadoo aan u rajaynayno dhaawacyada caafimaad degdeg ah,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa howl-gallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayey gobollada Galgaduud iyo Mudug oo weli ay ku xoogan tahay Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post