1212 Views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka kulan isugu yeeray Agaasimeyaasha iyo Madaxda Warbaahinta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka kulan isugu yeeray Agaasimeyaasha iyo Madaxda Warbaahinta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 10  2019–Kulankaan ayaa lagu wadaa in Maanta Magalada Muqdisho ku yeeshaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Agaasimeyaasha iyo Madaxda Warbaahinta.

Kulankaan oo u dalbaday guddoomiye Mursal ayaa looga hadli doonaa arrimo la xiriira Warbaahinta iyo Baarlamaanka xilli dadaal loogu jiro in Warbaahinta laga joojiyo tebinta Kulamada Baarlamaanka Soomaaliya.

Shalay ayaa intooda badan waxaa Xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka looga yeeray Agaasimayaasha iyo Madaxda Warbaahinta Muqdisho, sida Tv-yada iyo Idaacadaha ku yaalla Caasimadda.

Kulankan ayaa daba socda xilli dhawaan buuq ay sabab u ahaayeen Wariyeyaasha muqdisho uu ka dhacay Kulankii Sabtidii la soo dhaafay ee Golaha Shacabka, kaas oo u baaqday sababao la xiriira in Saxaafada ay kulanka banaanka ka joogto iyo inay ka qeybgasho taas oo ay isku khilaafeen Xildhibaananda Golaha Shacabka.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment