930 Views

AMISOM oo caddeysay cida soo riday diyaaradii Bardaale ku dhacday

AMISOM oo caddeysay cida soo riday diyaaradii Bardaale ku dhacday
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 09  2020–Warqad kasoo baxday taliska Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in taliska AMISOM uusan wax lug ah ku laheyn diyaaradii gargaarka siday ee dhawaan lagu soo riday degmada Bardaale ee gobolka Bay.

Warqad loo diray Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in diyaaraddaasi ay soo rideen Ciidamo aan qeyb ka aheyn AMISOM oo ku sugan degmada Bardaale ka dib markii ay dareemeen cabsi ku aadan in diyaaradda ay beegsato Saldhigooda.

Warbixinta ayaa lagu muujiyay in sababta loo soo riday diyaaradda inay aheyd shaki laga qabay inay is qarxiso iyo xiriir la’aan.

AMISOM waxa ay cadeysay in diyaaraddaasi la toogtay falkaasna ay ka dambeeyeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Bardaale.

Ugu dambeyntii Warka ayaa lagu xusay in haddii aan la toogan laheyn diyaaradda soo dhici laheyd maadaama lugaha diyaaradda ama shaagga aanu diyaar aheyn xilligii ay diyaaradda caga dhigan laheyd.

Garoonka diyaaraddaha Bardaale ayaa waxaa ku sugan Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan qeyb ka aheyn taliska AMISOM.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment