429 Views

Senator laga soo doortay Jubbaland oo eedeyn u jeediyay Xildhibaan Kulane

Senator laga soo doortay Jubbaland oo eedeyn u jeediyay Xildhibaan Kulane
____________________________________________________________________________

Khamiis: April 7, 2022

Qoraal uu bartiisa Facebook-ga ku daabacay Xildhibaan Xasan Daahir Yarow oo ah Senator laga soo doortay DG Jubbaland ayaa ka hadlay safarkiisii shalay uu ku gaaray Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo Xildhibaan Cabdullaahi Kulane, isagoo halkaas eedeyn ugu jeediyay Madaxda ugu Sareysa Jubbaland kaas oo salka ku hayso muranka doorashada ee ka taagan deegaan doorashada labaad ee maamulkaas ee Jubbaland.

Xildhibaan Xasan Daahir ayaa tilmaamay in Xildhibaan Kulane uu ku eedeysan yahay gabood fallo baahsan oo uu ka gaystay Gobolka Gedo iyo guud ahaan Jubbaland.

“Waxaa wax aad looga xumaado ah Xildhibaan Cabdullaahi Kullane oo horrey ugu eedaysnaa jariimooyin iyo gabood-fallo uu ka gaystay deegaannada Jubaland iyo guud ahaanba Dalka in uu Jubaland ku eedeeyo masiirka Gedo in ay Madax-furasho u haystaan” ayuu yiri Senator Xasan Daahir Yarow.

Shalay ayey ahayd markii Xildhibaan Cabdullaahi Kulane oo laga soo doortay Galmudug isagoo ku sugan Doolow uu eedeyn ujeediyay Madaxda ugu Sareysa Jubbaland, wuxuuna sheegay in Madaxda maamulkaas in ay ka qabsoomi la, dahay kuraasta taala Magaalada Garbahaarey taas oo ah deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post