945 Views

Nairobi oo laga qaaday xayiraaddii dhanka safarka

Nairobi oo laga qaaday xayiraaddii dhanka safarka
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 6  2020–Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in la qaaday xayiraaddii dhanka safarka ee saarneyd magaalooyinka Nairobi, Mombasa iyo Mandheera laga bilaabo berito.

Wuxuu sidoo kale madaxweynaha sheegay in muddo 30 maalmood ah oo kale lagu daray bandowga xilligii habeenkii ee lagu soo rogay dalkaas si looga hortaggo fiditaanka cudurka Corona.

Madaxweynaha waxaa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in duulimaayada gudaha la furi doono 15-ka bishan July halka duulimaadyada caalamiga ah la furi doono 1-da bisha Agosto.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post