1365 Views

Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka ka furmaya Muqdisho

Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka ka furmaya Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 22da Maarso, 2021Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Gudaha Xerada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho in uu ka furmo Shirka u dhaxeeya Madaxda Dowladda, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Madaxda ka qeyb galeysa Shirka qaarkood ayaa halkaasi gaaray, sida Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta, waxaana sidoo kale la filayaa in goordhow ay halkaasi tagaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in uu jiro shaki ah in aysan shirka tegin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland walow Xubnaha Beesha  Caalamka ay cadaadis saarayaan dhinacyada la doonayo inay shiraan.

Amniga Xerada Afisiyooni oo uu shirka ka furmayo ayaa waxaa damaanad qaaday howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kadib markii ay dalbadeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post