603 Views

Sarkaal Turky ah oo sheegay in Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan uu soo gaarayo dalkaas Turky.

Sarkaal Turky  ah oo sheegay in Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan uu soo gaarayo dalkaas Turky.
____________________________________________________________________________

Isniin: November 15, 2021

Laba sarkaal oo Turkish ah ayaa sheegay in Dhaxal-sugaha Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan, oo ah hogaamiyaha maldahan ee Imaaraatka Carabta uu booqasho ku tagayo Turkiga, xilli ay awoodaha ku loollamaya gobolka ay ka shaqeeynayaan hagaajinta xiriirkii xumaaday.

Turkiga iyo Imaaraatka Carabta ayaa waxaa u dhexeeyay loolan dhanka saameynta ah tan iyo markii uu kacdoonkii Carabtu curtay toban sano ka hor.

Labada dal ayaa kala taageeray dhinacyada iskaga soo horjeeda dagaalka sokeeye ee Libya, iyadoo khilaafkoodu uu ku faafay bariga Mediterranean-ka iyo Khaliijka.

Sarkaal Turkish ah ayaa sheegay in Erdogan iyo Sheikh Mohammed ay ka wada hadli doona xiriirka labada dal, ganacsiga, horumarka gobolka iyo maalgashiga.

Mas’uul kale oo Turkish ah ayaa sheegay in booqashadu ay “horumar muhiim ah u tahay hagaajinta xiriirka gobolka iyo yareynta xiisadaha,” laakin waxa uu sheegay in waqtiga rasmiga ah ee booqashada aan wali la cayimin.

Reuters

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post