600 Views

Puntland oo taageertay go’aanka uu Rooble shaqada kaga joojiyay Fahad Yaasiin

Puntland oo  taageertay go’aanka uu Rooble shaqada kaga joojiyay  Fahad Yaasiin
____________________________________________________________________________



Talaado:September 7, 2021

Puntland ayaa taageertay go’aanka uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble shaqada kaga joojiyay agaasimaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyadda Puntland ayaa lagu yiri “Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa go’aanka Ra’iisul Wasaarahu shaqada kaga joojiyey agaasimihii hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya, tillaabadaas oo ah mid waafaqsan dastuurka dalka”

Dowladda Puntland waxay kaloo boggaadinaysaa, soona dhaweynaysaa dadaalka Ra’iisul Wasaarahu ugu jiro sidii looga gun gaari lahaa xaaladda kiiska Ikraan Tahliil iyo in qoyska Ikraan iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedba ay helaan xaqooda dastuuriga ah” ayaa qoraalka lagu daray.

Puntland waxay sheegtay in ay Ra’iisul Wasaare Rooble ku bogaadinayso doorkiisa hoggaamineed ee dalka, gaar ahaan waajibaadka amniga qaranka, hirgelinta doorashada iyo hoggaaminta Golaha Wadatashiga Qaranka.

Ugu dambayna Puntland waxay ku baaqday in cid walba ay illaaliyo xasiloonida, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya, lana dhawro ku dhaqanka dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka.

Sidoo kale isla shalay ayay ahayd Markii Maamulka Jubbaland uu soo saaray Warqad Nuucaan oo kale ah oo ay  ku taageerayaan  Raisal wasaare Rooble shaqa joojintii uu ku sameeyay Milkiilaha Dowlada waqtigeeda dhamaaday.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post