420 Views

Itoobiya oo ka hadashay Rabshadihii maanta ka dhacay Adis Ababa

Itoobiya oo ka hadashay Rabshadihii maanta ka dhacay Adis Ababa
____________________________________________________________________________

Talaado: May 3, 2022

Xafiiska Isgaarsiinta Dowladda Itoobiya ayaa sheegay rabshadihi ka dhacay salaadda ciidda ee maanta iney ka dambeeyeen waxa ay ku sheegeen cadowga tariikhiga ah ee dalka iyo kooxa cadowgaasi la shaqeeya oo gudaha dalka ka abaabulan.

Bayaan uu xafiisku ka soo saaray dhacdadi maanta wuxuu ku sheegay xoogagga iisu baheystay iney ishortaagaan isbaddalka dalka ka socda ay diimaha dadka ugu soo gabbadaan.

Waxaa kale oo bayaanka lagu sheegay iney khasaaro nafeed oo ka dhashay ay jirin balse ay burburtay hanti dhowr ah.

Dowladduna waxaa ka go’an ayuu yiri xafiiska iney ka hortagto fal kasta oo loo soo maraya diimaha, dhaqanka iyo wada noolshaha bulshada oo lagu doonayo in amniga dalkalagu khalkhaliyo.

Xafiisku wuxuu mahad ballaadhan uu u jeediyey muslimiinta caasimadda Addis Ababa ee isugu timid si ay u tukadaan salaadda Ciidu Fitriga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post