738 Views

Booliska Kenya oo ka digay qawlaysato gabdhaha yaryar af-duubanaysa

Booliska Kenya oo ka digay qawlaysato gabdhaha yaryar af-duubanaysa
____________________________________________________________________________

Booliska Kenya ayaa wada baadhitaan ay ku hayaan ‘qawlaysato internet-ka” adeegsata oo hablaha yaryar ee intan fayraska karona jiro xaafadaha jooga ku saba [ballanqaadyo] been ah oo ku dirqiya in jidhkooda laga ganacsado.

Arintan ayaa soo shaac baxday markii saddex hablood oo yaryar oo dhawr iyo toban jirro ah ay boolisku ka soo furteen qawlaysato haysatay.

Saddexda gabdhood waxay booliska u sheegeen in bog baraha bulshada ka mid ah looga soo diray martiqaad ah in ay ka soo qayb galaan ”xaflado” ka dhacayey magaalada.

”Waaxda dembi baadhistu waxay ku wargelinaysaa bulshada in aanu ku daba jirno xubno ka tirsan kooxdaa qawlaysatada ah oo dhawaan la soo qaban doono si falal dembiyeedka ay galeen loogu ciqaabo” ayaa boolisku yidhi.

Dhacdooyinka hablaha yaryar ee la waayayo – ama baxsanaya marka internet-ka loogaga ballan qaado shaqooyin lacag leh- ayaa dhawaanahan ba warbaahinta Kenya tebinaysay.

Todobaadkan horaantiisii ayaa gabdhahaa yaryar midkood haweenay ay ehel yihiin iyadoo ooyeysa muuqaal codsi ah ku baahisay Twitter-ka oo ay ku sheegtay in ay suurto gal tahay in gabdhahaa yaryar ee la la’yahay ay dhici karto in dalka laga tahriibiyo si jidhkooda looga ganacsado.

Haweenaydaas ayaa sheegtay in inanta yar ee ay ehelka yihiin Sabtidii la waayey ka dib markii qawlaysatadaasi ugu ballan qaadeen in la siinayo shaqo dhar xayeysiin ah.

‘Inantayada iyo hablo kale oo 16 jirro ah ayaa iyaga oo lix ah aan ilaa haatan jaan iyo cidhib meel ay dhigeen laga war haynin” ayay tidhi haweenaydaa muuqaalka iska soo duubtay.

Jimcihii ayaa boolisku qoraal ay ku baahiyeen Twitter-ka ku sheegeen in dembi baadheyaal ka tirsan laanta daryeelka dhallaanku ay soo samata bixiyeen todoba hablood oo la la’aa. Kuwa kalena waa lagu raad joogaa, ayaa qoraalku intaa ku sii daray.

Faahfaahin kale oo dheeraad ah may bixin oo ku saabsan goobta hablahaa laga helay iyo in cid loo xidhxidhay arintaas iyo in kale.

Laanta dembi baadhistu waxay sheegtay in kooxdaa qawlaysatada ah ee Nairobi ka hawl gashaa ay adeegsato lambarro telefoono dibadeed ah.

”Baadhitaan ayaa socda waxaanan doonaynaa in aanu digniin adag u dirno shakhsiyaadka ka faa’iidaysanaya safmarkan korona ee hablaha yaryar ee ciyaala iskuulka ah ugaadhsanaya, waxaanan u sheegaynaa in aan gacanta ku dhigi doono”ayaa laanta dembi baadhistu ku tidhi qoraal ay ku baahisay Twitter-ka.

Bishan horaanteedii ayaa Kenya xoojisay xayiraadaha ka hortagga fayraska korona madaama oo uu cudurku soo laba kacleeyey oo dad badani u dhinteen.

Waxa la mamnuucay in dadku meelo iskugu yimaadaan sidoo kalena waxa la soo rogay bandoo habeenkii ah. Iskuullada ayaa xidhnaa ilaa bishii Maarij laakiin fasallo gaar ah ayaa dib loo furay bishii Oktoobar. Xukuumadduna waxay sheegay in aan iskuulada si buuxda loo furi doonin ilaa bisha Jeeniweri ee sannadka dambe.

Tirada dadka Kenya waa 53 milyan oo qof, waxaana la xaqiijiyey in ka badan 75,000 oo qof in fayrasku ku dhacay oo ay 1,349 u dhinteen sida ay sheegtay xog laga helay Jaamacadda Johns Hopkins.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post