4611 Views

“Nooma muuqato saan saan Amni ee lagu gaari karo Agosto in dalkan doorasho ka dhacdo”

“Nooma muuqato saan saan Amni ee lagu gaari karo Agosto in dalkan doorasho ka dhacdo”
____________________________________________________________________________

Muqdisho,2 March 2016: Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumaddii hore, ayaa rajo xumo ka muujiyay in bisha Agosto ee soo socota in dalka doorasho ka dhacdo, xaalada amni ee dalka oo sii xumaanaya.

Goodax ayaa sheegay in tan iyo bishii June ee sanadkii hore ay Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay soo baneeyeen deegaano muhiim ah oo ka tirsan gobolada dalka.

“Waxaa laga hadlayo waa xaalada guud ee dalka, bishii June illaa iyo hada ciidamada waxay soo baneeyeen aagaga aad u waa weyn, waxaana culeys saaran yahay degmooyinka qaar, waxaa uu weerar ku socdaa Muqdisho, waxaa warbixin ku heynaa in June illaa iyo hada Muqdisho ka dhaceen illaa 64 qarax, dilal iyo hoobiyeyaal lagu soo tuuray”ayuu yiri C/llaahi Goodax Barre.

Cadullahi Goodax ayaa ku baaqay inay muhiim tahay in amniga laga shaqeeyo, isla markaana uu dhaco is bedel xaga amniga ah sida uu hadalka u dhigay.

“Aniga iima muuqato saan saan Amni ee lagu gaari karo bisha Agosto inay doorasho dhacdo, yaana been la isu sheegin, xaalada amni ee lagu jiro dalka is bedel lagama yaabo inuu dhaco”ayuu yiri Xildhibaan Goodax.

Hadalkan ka soo yeeray Xildhibaan Goodax ayaa ku soo beegmaya, iyaddoo muddo shan bilood ay naga xigto, xilliga la qorsheeyay in dalka ka dhacdo doorasho, waxaana dowladda waqtigeeda sii dhamaanaya laga sugayaa inay soo bandhigto qorshayaashii lagu gaari lahaa doorashada soo socota, in kastoo dadka qaar ay sheegayaan in ay suurta gal tahay in waqtiga loo dheereeyo ilaa nabad laga helo.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment