987 Views

20 ka mid ah Ciidamadii saf ku jiray oo loo diyaarinayey Gorgor oo ku dhintay Qaraxi Xerada General Dhaga Badan

20 ka mid ah  Ciidamadii saf ku jiray  oo  loo diyaarinayey Gorgor oo ku dhintay Qaraxi Xerada General Dhaga Badan
____________________________________________________________________________

June 15 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay xerada ciidamada General Dhaga Badan oo ku taalla Ex Warshaddii hore ee Nac-Naca ee degmada Wadajir.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxan uu fuliyay  qof isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo beegsaday dhalinyaro loo qorayey ciidanimo, si loogu tababaro gudaha xerada General Dhaga Badan

Qofka isku soo Xiray Qaraxa ayaa la sheegay in uu soo dhex galau askarta oo Xiligaas lagu faylinayay Irida Hore ee Xerada General Dhaga Badan si loo Hubiyo in ay yihiin askartii iyo in kale, taas oo keentay in uu ka faa’idaysto.

Sidoo kale Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay in ka badan illaa 15 qof oo ka mid ahaa dhalinyaradii meesha ku sugneyd, iyada oo ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 40 oo meesha joogtay oo iskugu jiray Askarta iyo dad Irida ku Gnacsanayay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post