408 Views

Madaxweyne ku xigeenka Kenya: “Ceeb ayaan dareemay markii aan dawarsaday cunto”

Madaxweyne ku xigeenka Kenya: “Ceeb ayaan dareemay markii aan dawarsaday cunto”
____________________________________________________________________________

Talaado: Jannaayo 2023

Madaxweyne ku xigeenka Kenya, Rigathi Gachagua ayaa sheegay in uu ceeb dareemay markii uu dawarsaday raashiin gargaar ah xilli dalkiisa ay ka jirto gabaabsi dhanka cuntada ah.

“Waxaan wakhtigeyga ugu badan la qaatay dad shisheeye, aniga oo dawarsanaya cunto oo ay kamid yihiin kuwii ina guumeystay, waa ceeb, balse ma heysto fursad kale sababta oo ah ma aqbali karno in dadkeena ay dhintaan” ayuu yiri Rigathi oo la hadlayay warbaahinta gudaha.

Madaxweyne ku xigeenka wuxuu sidoo kale sheegay in abaarta daba dheeraatay ay u horseeday dad badan in aysan helin wax raashiin ah halka qaarkoodna ay u dhinteen dhibaatadaas.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post