243 Views

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken oo gaaray Israa’iil si uu kulamo ula yeesho madaxda Israa’iil iyo Falastiiniyiin

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken oo  gaaray Israa’iil si uu kulamo ula yeesho madaxda Israa’iil iyo Falastiiniyiin
____________________________________________________________________________

Talaado: 31 Jannaayo 2023

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken ayaa gaaray Israa’iil si uu kulamo ula yeesho madaxda Israa’iil iyo Falastiiniyiin iyadoo rabshadaha halkaas ka jira ay sii socdaan.

Dhacdadii ugu dambeysay subaxnimadii Isniinta maanta ah nin Falastiini ah ayay askarta Israa’iil ku toogteen Daanta Galbeed ee la haysto.

Maalintii Khamiista 10 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay magaalada Jenin oo ay dileen ciidamada Israa’iil halka 7 Israa’iiliyiin ah ay dhinteen Jimcihii ka dib markii dabley falastiiniyiin ah ay rasaas ku fureen meel ku taalla Bariga qudus oo ay ku sugnaayen .

Mr Blinken, oo horey wadahadal kula yeeshay Madaxweynaha Masar magalada Qaahira, ayaa bilaabi doona lugtii labaad ee booqashadiisa Bariga Dhexe isagoo la kulmi doona Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu.

Talaadada wuxuu u safri doonaa magaalada Ramallah ee daanta galbeed si uu wadahadal ula yeesho hogaamiyaha Falastiin, Mahmoud Abbas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post