1704 Views

Shabaab oo sheegtay inay qarax la eegteen ciidamo ajaanib ah

Shabaab oo sheegtay inay qarax la eegteen ciidamo ajaanib ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 05, 2018 – Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qarax khasaare dhaliyay oo ciidamo ka tirsan Itoobiya iyo kuwa Jabuuti lagula eegtay shalay gelinkii dambe gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Ciidamada qaraxa miino lala eegtay oo ay ka baxeen degaanka Halgan ayaa waxa uu qaraxa ku qabsaday wadada laamiga ah ee xiriirisa degaanka Halgan iyo degmada Buula Burde, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka

Ilo wareedyo ayaa waxa ay sheegeen goobta lagu weerarary ciidankan inay gaareen ciidan kale oo gurmad ah, kuwaasi oo la sheegay inay halkaasi ka qaadeen ciidan loo maleynayo inay ku waxyeeloobeen qaraxaasi.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxan ayaa waxa ay tilmaameen inay khasaare badan gaarsiiyeen ciidamadan, islamarkaana weerarka uu u dhacay sidii la rabay.

Sida muuqata Al Shabaab ayaa kordhiyay weerarada cidamada Itoobiya iyo kuwa Jabuuti ay kula eeganayaan degaanada gobolka Hiiraan, kadib markii todobaadkii tagay qaraxyo sidan oo kala ah ay dhaceen.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment