507 Views

Mareykanka iyo Poland oo isku khilaafsan go’aan la xiriira Ukraine

____________________________________________________________________________

khamiis: March 10, 2022

Dowlaha Mareykanka iyo Poland ayaa si adag isugu khilaafsan fulinta codsi ay jeedisay dowladda Ukraine oo ku saabsan in loo geeyo diyaaradaha dagaalka ee noocoodu yahay MiG-29 – ee lagu sameeyay Ruushka.

Xukuumadda Warsaw ayaa oggolaatay in diyaaradahaas ay Ukraine usii mariso saldhigga militeriga Mareykanka ee ku yaalla Jarmalka, hase ahaatee Aqalka Cad ayaa ku gacan seyray tallaabadaas.

Washington ayaa sheegtay arrintaas iyo oggolaanshaha yabooha aan lagala taashanin markii horeba.

Victoria Nuland, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Biden, ayaa sheegtay in ficilka Poland ahaa mid “lama filaan” ku noqday iyaga.

Qorshaha Mareykanka ayaa ahaa in diyaaradahan Ukraine loo mariyo waddanka xadka la wadaaga ee Poland, tiradana la badiyo.

Bayaan kasoo baxay Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee loo yaqaanno Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in dalabka Poland la diiday, sababtuna ay tahay inuu go’aanku yahay mid “aan la fulin karin”.

John Kirby, oo ah la taliyaha dhinaca arrimaha dadweynaha ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa bayaanka ku yidhi: “Taasi waxay ka dhigan tahay in ay ka duulayaan saldhigga Mareykanka iyo Nato ay ku leeyihiin Jarmalka, sidaasna ku galaan hawada Ukraine oo ah meesha uu ka socdo dagaalka ka dhanka ah Ruushka.

“Kicitaankoodu waxa uu khatar weyn ku keenayaa waddamada xubnaha ka ah isbahaysiga 

Shuruuc la mid ah kuwaas ayaa sidoo kale loo baahan yahay in la maro, sida ay khubaradu sheegeen.

Aqalka Cad wali wax sharraxaad ah kama uusan bixinin qaababka ay suuragalka tahay in loo maro tallaabadan.

Wariyaha BBC-da ee ku sugan Warsaw, Adam Easton, ayaa sheegay in dowladda Poland ay joojisay howsha ku aaddan in diyaaradahan si toos ah ay u geyso Ukraine, iyadoo ka baqeysa in Ruushka uu ka falceliyo.

Waxaa la aaminsan yahay in xukuumadda Moscow ay tallaabada noocaas ah u arki karto weerar toos loogu qaaday iyada.

Saraakiisha Poland ayaa sheegay in dhankooda ay doonayaan oo kaliya in tallaabo kasta oo militeri ay ku qaadaan iyagoo ku socda magaca isbahaysiga Nato.

Waxay u muuqataa in Poland ay kubadda dib ugu celisay Washington, si ay eedda uga fogaato.

Office Nairtobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post