1371 Views

C/qaadir “Guddoomiyihii hore waxaa halhays u ahayd haddii anigu aan madax ka noqonayn Zwolle iyo nawaaxigeeda gaw iyo gash ma leh”

C/qaadir “Guddoomiyihii hore waxaa halhays u ahayd haddii anigu aan madax ka noqonayn Zwolle iyo nawaaxigeeda gaw iyo gash ma leh”
____________________________________________________________________________

C/qaadir Maxamed Cali [Qaate] oo ka mid ah waalidiinta Soomaalida ee ku nool Magaalada Zwolle, ayaa ka warbixiyay xaalada Soomaalida ku dhaqan Zwolle & nawaaxigeeda, isaga oo daboolka ka qaaday in ay soo dhowaynayaan horumarka ay jaaliyadu ku tillaabsatay muddadii 2da sanno ku dhoweyd ee uu xilka jaaliyada hayay Axmed Hayaan.

Qaate, oo la soo xiriiray shabakadda SOMNIEUWS waraysi uu bixiyay wuxuu dhaliil u jeediyey guddoomiyihii hore ee Jaaliyada C/qaadir Nuune, isaga oo ku dhaliilay in muddadii uu jaaliyada madax ka ahaa in dib u dhac mooyee, aysan jaaliyadu wax horumar ah ku tillaabsan.

“Jaaliyadu waxay dooratay 2017-dii Axmed Hayaan. Ku dhowaad 14-kii sanno ee uu xilka hayay Nuune, Soomaalidu ma lahayn goob ay ku kulmaan, guddigan waxay ku guuleysteen in ay inoo  sameeyaan xarun Soomaalida u gaar ah oo haweenka, ragga iyo caruurtuba ay xilliyo kala duwan waqti ku qaataan, dugsi caruurta lagu baro casharada iskuulka, xafiis loo furay qof walba oo Soomaali ah una baahan in la caawiyo, Masaajid lagu cibaadeysto, kalsoonidii u dhexeysay hogaanka jaaliyada Soomaalida & gemeentiga oo soo laabatay, waxaa kale oo guddigani ay ku guuleysteen  in jaaliyadu xiriir fiican la yeelato mushtamacyada Soomaalida la dagan sida Turkida, Marookaanka & Surinaam-ta, waxay jaaliyadu heshay xaquuq fara badan oo horay kaga maqnayd” Ayuu yiri C/qaadir Qaate, isaga oo intaasi ku daray in muddadii 14-ka sanno ku dhoweyd ee Nuune uu madaxda ka ahaa jaaliyada  in jaaliyadu ahayd wax loo yaqaan [one man NG0].

C/qaadir Qaate, waxaa kale oo uu sheegay in laga gudbay xilliyadii dadka lagu indha-sarcaadin jiray in qoysas Soomaaliyeed oo Magaalooyin kale dagan baabuuro inta lagu soo daabulo doorasho been ah la qaban jiray.

“Anigu, waxaan goob joog u ahaaa guddoomiyihii hore isaga oo aan waxba qaban in doorasho kasta uu dad ay asxaab iyo xiddid yihiin Magaalooyin kale  ka soo dabooli jiray, una ekeysiin jiray in ay Magaalada dagan yihiin,  hadda in gabalkiisu dhacay waxaa ka marqaati ah maalin dhoweyto inta uu yiri shir sannadeed baan qabanayaa ayuu “clip” iska duubay isaga  iyo 3 qof, oo weliba saddexda qof 2 ka mid ah aysan Zwolle daganayn, saaxiibkeey waxaan u soo jeedinayaa inuu ka xishoodo indhaha iyo caqliyada dadka, oo uu arbushaada iska daayo, kana nasto sheegashada xil waa hore laga qaaday” Ayuu yiri Qaate.

C/qaadir Qaate, wuxuu ku nuuxnuuxsaday inuu qirsan yahay  qof waliba aqoonta iyo kartida uu leeyahay in aan la xaqirin, laga-na faa’ideysto, isaga oo gef aan garowshiiyo lahayn ku tilmaamay in qofku kartidiisa u isticmaalo si liddi ku ah horumarka bulshadiisa.

“Guddoomiye Axmed Hayaan, wuxuu aaminsan yahay in qof waliba aqoontiisa & kartidiisa laga faa’ideysto, weliba wuxuu qabaa in guddoomiyihii hore C/qaadir Nuune  ka mid yahay dadka kartidooda loo baahan yahay in laga faa’ideysto, hasse ahaatee waxa kartidiisii qaribaya ay tahay fikirkan duuga ah, ee uu leeyahay: haddii anigu aan madax ka noqonayn Zwolle iyo nawaaxigeeda gaw iyo gash ma leh, jaaliyaduna waa in ay burburtaa, taas oo ah is-qaribaad aan loo baahnayn, waa dhaqan muujinaya keli-talisnimo iyo [monoply]” Ayuu yiri Qaate, isaga oo intaasi ku soo daray in Guddiga uu hadda sheegto hogaankiisa in ay ku jiraan dhalinyaro iyo aqoonyahanno waaya-arag ah oo ay xaq ahayd inuu yiraa anigu 14 sanno ayaan madax idiin ahaaye markan waxaa la joogaa waqtigiina.

“Guddiga uu sheegto inuu madax u yahay waxaa ku jira rag isugu jira dhalinyaro iyo aqoonyaanno  qiimo badan, oo jaaliyad-na maamuli kara, waxaa ka mid ah C/qaadir Qandac, Jaamac iyo toboneeyo kale oo la mid ah, maxaa u diidaya inta uu fikiro bal inuu yiraa 14 sanno ayaad adigu jaaliyada madax ka ahayde bal markan waxaad fursad siisaa saaxiibadii shalay garbahaaga buuxiyay.?” Ayuu yiri Qaate.

Qaate, wuxuu kaga mahadceliyey guddoomiye Hayaan & xubnaha la shaqeeya in albaab kasta ay ka soo xireen guddoomiyihii hore.

“Guddoomiyihii hore markii laga soo xiray ururkii Jaaliyadda Zwolle ee uu ku qaraaban jiray, wuxuu la soo baxay kaar cusub, oo ah ururka Kaardo, taasi waxay ka marqaati kacaysaa in maalmaha u haray ay tirsan yihiin” Ayuu yiri Qandac.

AFEEF: Shabakadda SOMNIEUWS mas’uul kama aha fikirka & aragtida uu jeediyey mas’uulka la waraystay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post