1035 Views

Musharax Xalane “ Farmaajo waxa uu ku soo baxay Banaanbaxyo Caruur iyo dumar la kacsho, waana xaq banaanbaxa waana dhacayaa.

Musharax Xalane “ Farmaajo  waxa uu ku soo baxay Banaanbaxyo Caruur iyo dumar la kacsho, waana xaq banaanbaxa waana dhacayaa.
____________________________________________________________________________

.Feb: 18/2/2021

Musharax Xuseen Cabdi Xalane, Wasiirkii hore ee Maaliyada ayaa ka hadlay banaanbaxa lagu wado in uu ka dhaco Magaalada Muqdisho maalinta bari ah.

Xalane oo ka mid ah Musharixiinta ku Midoobay Banaanbaxa bari dhacay,  ayaa sheegay in sharciga  iyo Dastuurka Dalka u yaala uu dhigayo in la qaban karo Banaanbax Nabadeed oo aan dhibaato keenin.

“ Dastuuurka Dalka ayaa dhigaya in Dalka uu ka dhici karo Banaanbaxyo Nabadeed Marka yaan la buun Buunin Banaanbaxyadaan horay ayay dalka uga dhici jireen, Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday waxa uu ku soo baxay banaanbax iyo Habro  Caruur la kacsho”ayuu yiri Xalane.

“ Ciidamada amaanka Qaranka Waxaan ugu baaqayaa in ay Banaanbaxaas ka Gutaan shaqadii ku waajibka ahayd, oo ah in ay ilaaliyaan amaanka shacabka iyo Madaxda Qaranka oo bari halkaas iskugu imaan doona”ayuu yiri Xalane Mar kale.

Sidoo kale banaanbaxa lagu wado in uu bari ka dhaco taalada Daljirka Dahsoon ayaa ah mid ay ka soo Qeybg gali doonaan Kumanaan kun.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post