555 Views

Taliska Booliska Gobolka Bari oo digniin kasoo saaray Ciyaal weerada

Taliska Booliska Gobolka Bari oo digniin kasoo saaray Ciyaal weerada
____________________________________________________________________________

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa u digay Dhalinyarada ku hubeysan tooreyda ee dadka Mobeelada ka dhaca mararka qaarna dadka dila, kuwaas oo dhibaato ku haaya Shacabka degaannada Gobolka Nugaal.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray Taliyaha in ay arkeen habeenada qaar Ciyaal weero wata tooreeyo iyo tooshah, kuwaas oo usoo baxay inay dadka dhibaateeyaan, isaga oo uu baaqay laamaha Amniga & Waalidiinta inay siwadajir ah uga hortagaan.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa ugu dambeyn uu baaqay Waalidiinta kunool degaannada Gobolka Nugaal inay Carruurtooda Ciyaal weerada ah dadka ka qabtaan ama hadii la qabto Maxkamad lala tiigsan doono.

Digniintaan Taliska booliska Gobolka Bari ee la xiriirta Ciyaal weerada ayaa ksuoo beegantay xilli dadka kunool degmooyin katirsan Gobolkan Banaadir ay ka cabanayeen Ciyaal weero xilliyada habeenkii dhibaato ku haaya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post