714 Views

Qaban-qaabada Shirka DFS & dowlad Goboleedyada oo ka socota Dhuusamareeb

Qaban-qaabada Shirka DFS & dowlad Goboleedyada oo ka socota Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 1, 2021–Magaalada dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmuug waxaa ka socanaya Qaban qaabada iyo diyaar garowga Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Amniga magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoona sugida amniga ay iska kaashanayaan laamaha amniga Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka.

Shacabka iyo Maamulka Galmudug oo isku duuban ayaa u diyaar garoobay sidiii shirkaas si habsami ah ugu dhici lahaa magaalada.

Shirkan wadatashiga ah oo socon doona inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Febraayo 2021 ayaa waxaa intiisa badan saldhig u ah heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirkaasi dhawaan iclaamiyay, kadib kulan uu Xarunta Madaxtooyada kula qaatay wakiilo ka socday Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post