1176 Views

Kalluun noolaan karaya in ka badan boqol sano oo la helay sida ay sheegeen Saynisyahanno u dhashey Faransiiska

Kalluun noolaan karaya in ka badan boqol sano oo la helay sida ay sheegeen Saynisyahanno u dhashey Faransiiska
____________________________________________________________________________

Talaado: June 29 2021

Waxaa loo maleynaa in haraadigan nool inuu awood u leeyahay inuu noolaado, sanado badan oo ka dheer intii markii hore loo maleynayey.

Sida lagu qorey cilmi baaristan cusub, kalluunkan ayaanan noolaaneyn labaatan sano oo kaliya, sida loo maleeyey kalkii hore, wuxuu noolaan karaa boqol sano.

Saynisyahanno u dhashey Faransiiska, ayaa ku sameeyey kalluunkan cilmi baaris heerar kala duwan leh, isagoo yaalla madxaf taariikheed, kuwaasoo isticmaalayey xeeladaha lagu ogaado jiritaanka cimriga.

Waxey go’aamiyeen saynisyahanadan in kalluunkan wixii ka beerma ay cimrigoodu dheer yihiin, iyadoo nooca dhadiga ee kalluunkan uu xaamilo ahaan karo shan sano.

Waa noole si aayar ah u kobcaya lehna kuwo da yar, waxaase jira calaamado u nugleynaya suulitaan, taasoo ay keentay is badalka cimilida iyo jilaabashada xad dhaafka ah.

Dr Bruno Ernande, oo bare iyo cilmi baaraba ka ah jaamacadda Montpellier oo ku taalla dalka Faransiiska, ayaa sheegay in sababahan danbe, aad loo ogaadey in kalluunka ay halis ku yihiin, iyadoo loo sameyn karo xeyn daab addag oo lagu ilaalinayo, taa oo ah tallaabooyinka lagu badbaadin karo jiritaankiisa.

Sida uu u sheegay BBC-da mid kamid ah khuburadan, waxaa lagama maarmaan ah in la qaado tallaabooyin lagu ilaalinayo deegaanka uu kunool yahay kalluunkan, iyo noocyo kale oo ka hortag ah, si noolahan ugga dabar go’in dunida.

Khuburada oo ku daabacdey cilmi baaristan wargeyska Current Biology, ayaa sheegeysa in warbixinadan cusub, iney ka qeyb qaadan doonaan kaalin mug weyn lehna ka geysan doonaan sidii baaritaankan loo sii balaarin lahaa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post