579 Views

Guddiga Doorashada G/waqooyi oo shaaciyay Jadwalka Doorashada 3 kursi.

Guddiga Doorashada G/waqooyi oo shaaciyay Jadwalka Doorashada 3 kursi.
____________________________________________________________________________

Sabti: January 22, 2022

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Gobolada Waqooyi-Somaliland ee SEIT ayaa shaaciyay Jadwalka qabashada Doorashada 3 kursi oo la qabanayo Doorashadooda.

Guddiga ayaa sidoo kale Shegay in maanta la Diwaangelinayo ergadda islamarkaana loo furayo tababar la xiirira Doorashada, iyagoona shegay in islamaanta shaqada hortaalo tahay qabashada Codsiyada iyo caqiijinta Shuruudaha Musharaxiinta.

Gudiga ayaa sido kale shegay in sedax Dani kursi oo kala ah Hop#037, Hop#238 iyo Hop#244 Doorashaddooda laqaban Doono maalinta isniinta ah Taarikhduna tahay 24 bisha 1aad sanadka 2022-da.

Shaacinta iyo Qabashada Doorasho qaar kamid ah kuraasta Gobolada Waqooyi ayaa kusoo aadeeyso xili uu soo if baxay Khilaaf cusub iyagoona qaar kamid siyaasiyiinta Gobollada woqooyi sheegeen in ay isaga hareen oo ay qaadaceen Doorashada Soomaliya, Halka qaar kalana Garab istaag umuujiyeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post