951 Views

Maxay ka wada hadleen Wasiirka Dastuurka & Duqa Muqdisho?

Maxay ka wada hadleen Wasiirka Dastuurka & Duqa Muqdisho?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December  03- 2019–Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Saalax Axmed Jamac ayaa Xafiiskiisa Ku qaabilay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud (Filish).

 

Kulan ay yeesheen labada mas’uul ayaa waxaa ay kawada hadleen arrimaha dib-u-eegista dastuurka gaar ahaan maqaamka caasimadda Muqdisho ay ku dhex yeelanayso nidaamka Federaalka.

 

Gudoomiyaha ayaa lasiiyay warbixin ku saabsan nuucyada maqaamka caasimadda ee ka jira dowladaha federaalka dunida si aragti looga qaato.

 

 

 

Gudoomiyaha ayaa ka mahadceliyay warbixinta tifaftiran ee loo soo bandhigay waxa uuna ballan qaaday in ay si dhow ula shaqayn doonaan hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka islamarkaana dadka deggan caasimadda ay diyaar u yihiin in ay aragtidooda ku biiriyaan howlaha ka socda Dastuurka.

 

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment