702 Views

Jilayaal iyo soo-saarayaal ka tirsan Bollywood-ka oo Maxkamadda Delhi u gudbiyay dacwad ka dhan ah 2 taleefishin

Jilayaal iyo soo-saarayaal ka tirsan Bollywood-ka oo Maxkamadda Delhi u gudbiyay dacwad ka dhan ah 2 taleefishin
____________________________________________________________________________

Jilayaasha kala ah Aamir Khan, Salman Khan, Shahrukh Khan, Ajay Devgan & Akshay Kumar, oo ay wehliyayaan film soo-saarayaal gaaraya ilaa 34 oo ay ka mid yihiin Karan Johar, Aditya Chopra & Soya Aktar ayaa u gudbiyay maxkamadda sare ee Delhi dacwad ka dhan ah taleefishinada kala ah Republic TV & Time Now. 

Jilayaasha iyo soo-saarayaasha Bollywood-ka waxay ku eedeeyeen 2da taleefishin inay meel ka dhac u geystaan sumcada Bollywood-ka markii ay  ku sifeeyeen meel ay hareeyeen  daroogo, kooxeyso, Wasaq, ceeb & cocaine, waxaanna saxafiyiinta la soo eedeeyay ka mid ah Arnab Goswami & Pradeep Bhandari oo ka tirsan Republik TV  & Navika Kumar & Rahul Shivshankar oo ka tirsan Times Now TV.  

Eedeyntani, maxkamadda la geeyay waxay ku soo beegmeysaa, maalin kaddib markii Taliyaha Booliska Magaalada Mumbai Parambir Singh  u yeeray Tifaftiraha guud ee taleefishinka Republic Arnab Goswami inuu goob joog ka noqdo dhageysiga dacwada isaga ka dhan ah, waxaanna Arnab lagu soo eedeeyey inuu warar aan sax ahayn ka faafiyay Taliyaha qudhiisa. 

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii meydkiisa laga helay gurigii uu daganaa jilaagii Sushan Singh Rajput, waxaa isa soo tarayay silsilado eedeyma ah oo loo jeedinayay qaar ka mid ah Bollywood-ka, waxaanna ay xaaladu cirka isku sii shareertay markii ay bannaanka u soo baxday in 3 ka mid ah jilayaasha gabdhaha ee Bollywood-ka oo kala ahaa;  Deepika Padukone, Shraddha Kapoor and Sara Ali Khan ay boolisku waydiiyeen su’aalo ku saabsan wada sheekeysa qadka Whatsupp-ka ay ku dhexmaray oo la ogaaday in lagaga sheekeyastay arrimo salka ku haya isticmaalka Daroogo. 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post