1008 Views

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Guriceel

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Guriceel
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 18 2021=Waxaa Maanta degan  xaaladda degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud marka loo fiiriyo sidii ay shalay aheyd ilaa xalay oo ay kajireen dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo aad u xoogan.

Dadkii ku noolaa badi degmada Guriceel ayaa ka barakacay, iyaga oo aaday degaano kale oo u dhow Guriceel si ay uga badbaadaan hadii u dhaco  dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhina c iyo Ahlusunna.

Wararka laga helayo degmada Guriceel ayaa waxaa ay sheegayaan in goobo tiro yar oo Ganacsi iyo waxbarasho ay furan yihiin, hayeeshee inta badan ayxiraan yihiin maadaama dadkii ay barakaceen.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wada duleedka Guriceel halka Ciidamada Ahlusunna ay iyana dhaq dhaqaaq ka wadaan Gudaha  Guriceel.

Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post