2835 Views

Magacyada xubno Soomaali ah oo ku guuleystay doorasho ka dhacday Mareykanka

Magacyada xubno Soomaali ah oo ku guuleystay doorasho ka dhacday Mareykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 15, 2018 –  Dalka Mareykanka waxaa xalay lagu qabtay doorashada Xubno Soomaali ah oo u tartamayey Kuraas ka mid ah xubnaha golaha  Congres-ka iyo kan Wakiilada dalkaas,waxana ku soo baxay saddex Xubnood oo Soomaali ah.

Ilhaan Cumar iyo  Hodan Xasan ayaa labaduba ku guuleystay golaha Congres-ka dalka Mareykanka,halka Maxamuud Nuur uu ku guuleystay Aqalka Wakiilada ee gobolka Minnesota kaas oo ay baneysay Ilhaan Cumar

Ilhaan Cumar ayaa doorashada waxa ay ka heshay sida lagu sheegay natiijada soo baxday 59,322 oo u dhiganta 48.1%,,sida ay qorayaan Warbaahinada qaar ee Caalamka.

Kursiga golaha  Congres-ka Mareykanka oo ay ku soo baxday Ilhaan Cumar ayaa doorashadiisa guud waxaa la qaban doonaa bisha November ee Sanadkaan,iyada oo ay ka tartami doonaan Xubno ka socda xisbiga Republican-ka.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa waxa ay aad u soo dhaweeyeen guusha saddexda qof ee Soomaalida ah,iyaga oo sheegay in ay muhiimad weyn u leeyihiin Soomaalida ku nool dalkaas oo caqabado la kulmayey tan iyo markii Mareykanka uu Madaxweyne ka noqday donald Trump.

cabdi-1
Mr. Mohamed Noor
ilhan-cumar
Ilhaan Cumar
HodanXasan
Hodan Xasan

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment