429 Views

Dowlad deegaanka Soomaalida oo farriin u dirtay TPLF oo magaalo hor leh qabsatay Iyo dagaal ay ku qaabeen in lala galo Maleeshiyaadka TPLF

Dowlad deegaanka Soomaalida oo farriin u dirtay TPLF oo magaalo hor leh qabsatay Iyo dagaal ay ku qaabeen in lala galo Maleeshiyaadka TPLF
____________________________________________________________________________

Isniin:AUGUST 29, 2022

Dagaal ayaa weli laga soo sheegayaa inuu ka socdo waqooyiga gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya oo xuduud la leh Tigray-kadib shan bilood oo ay socotay xabbad joojin bini’aadannimo oo hadda u muuqato inay burburtay.

Dagaalkan soo cusboonaaday ayaa billowday todobaadkii hore.

Ciidamada Tigreega ayaa Sabtidii qabsaday magaalada Kobo ka dib markii ay ciidammada dowladda u riixeen dhanka koonfureed ee u dhow xadka.

Maamul goboleedyada kale ee Itoobiya oo ay ku jiraan kuwa Oromada iyo Soomaalida ayaa soo saaray bayaan ay ku muujinayaan sida ay u garab taagan yihiin ciidamada dowladda iyo sidoo kale gobollada Amxaarada iyo Canfarta oo ah goobaha ay ka soo cusboonaadeen iska horimaadyada.

Xilligii uu taagnaa dagaalkii ugu xumaa ee sannadkii hore ayaa maamul gobolleeydo kala duwan waxay ciidamo u direen furimaha hore ee dagaalka.

War saxaafadeed ay soo saartay Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa si kulul u cambaaraysay dagaalka soo cusboonaaday ee uu “dhiiga badan ku daatay” kaa soo u dhaxeeya kooxda TPLF iyo ciidamada dowladda Itoobiya.

Waxay sidoo kale war saxaafadeedka ku sheegeen in dagaalkan ka soo cusbonaaday gobolada Amxaarada iyo Canfarta, uu khatar ku yahay nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Dowlada deegaanka Soomaalida ayaa sidoo kale war-saxaafadeedka beesha caalamka kaga codsaday inay inay cadaadis ku saaraan TPLF inay joojiso dagaalka ayna ogolaadaan nabadda ay u fidisay dowladda Itoobiya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post