936 Views

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo gaaray Dhuusamareeb & u jeedka oo la shaaciyay

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo gaaray Dhuusamareeb & u jeedka oo la shaaciyay
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL | August-27-2020
-Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Guddoomiyaha oo ay qeyb ka yihiin Xubno ka tirsan Aqalka sARE ayaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Dhuusamareeb.

Ujeedka wafdiga Guddoomiyaha Aqalka Sare ay Maanta u tageen Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay in Guddoomiye Cabdi Xaashi uu Caawa furi doono kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Galmudug.

Inta uu ku sugan yahay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi waxaa uu kulan la qaadan doonaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulkaas.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post