888 Views

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Mareykanka

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Mareykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 22-2019 —Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo oo la filayo in uu uga qeyb-galo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

 

Saddex Sano,kadib waa markii ugu horeysay uu Madaxweyne Farmaajo uu u ambabaxo Mareykanka si uu uga qeyb-aglo shirkaas,waxaana horay u xadidaayay dhashada dalka mareykanka oo uu heystay,hayeeshee uu iska celiyay 1-dii Bishii Agoosto ee sanadkaan.

 

 

 

Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa shirka Guud ee Golaha Qaramada Midoobay waxaa ka qeyb-galay oo Madaxweynaha Wakiil uga ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad.

 

Ajandeyaasha ugu waaweyn ee Hoggaamiyayaasha Caalamku ay kaga arrinsan doonaan Meertada 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobey ayaa waxaa ugu muhiimsan xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahyo waxa loogu yeero argagixisada.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment