330 Views

Kaniisadaha UK oo kulan duco ah u sameeyey boqorad Elizabeth-da geeiyootay

Kaniisadaha UK oo kulan duco ah u sameeyey boqorad Elizabeth-da geeiyootay
____________________________________________________________________________

Isniin: SEPTEMBER 12, 2022

Kaniisadaha ku yaalla UK, ayaa waxey qabanayeen kulamo duco ah oo lagu xusayo geerida boqorad Elizabeth-da Labaad.

Madaxa Kaniisadda Canterbury ee England, Justin Welby, ayaa ka sheegay shirka in ay dad badan bartay boqoradda “Ilaahay iyo nimcooyinka uu siiyo dadka” marka loo eego qof kasta oo kale oo nool xiligan casriga ah.

Hogaamiyayaasha kiniisaddu, ayaa waxay ku tilmaameen inay tahay fursad ay heleen dadka kaniisadda tagga, si ay uga dheehdaan iimaankii boqoraddii dhimatay uu hagayay nolosheeda oo dhan.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Yair Lapid, ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid boqorad Elizabeth-da Labaa.

Isagoo ka hadlayay bilowgii shirkiisa todobaadlaha ah ee golaha wasiirada, Lapid, ayaa sheegay inay tusaale u ahayd caalamka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post